Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Farmaajo Oo Maalinta Berri Booqanaya Jabuuti.



Wed 15 August 2018.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri oo khamiis ah booqasho ku tagaya dalka Jabuuti, si uu u qaboojiyo xiisada ka dhalatay safarkii uu bishii hore ku tagay Eritrea.

 

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalkiisa ay salka ku heyso xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha Gobolka ka jira.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in safarka Madaxweynaha ee Jabuuti uu ka dambeeyay wada hadalo u dhaxeeyay madaxda labada dal oo khadka taleefanka ahaa, kaasoo lagu xalinayay mad madowga siyaasadeed ee labada dal soo kala dhex galay.

Dowladda Jabuuti ayaa walaac ka muujisay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo intii uu ku guda jiray booqashadii uu bishii hore ku tagay Asmara, kaasoo ahaa in laga qaado cunaqabateynta saaran Eritrea.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid u janjeersatay Isbaheysiga Eritrea iyo Ethiopia ee dhowaan xulafada la sameystay Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika iyo loolanka loogu jiro dalalka ku yaalla Badda Cas ayaa ka mid noqday saameynta ugu weyn ee ay wajaheyso Soomaaliya.



71 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines