Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Trump Oo Dacwad ka Gudbiyay Gabadh la Taliye U Ahayd Oo Cod-sir ah ka Duubtay kana Baahisay.



Wed 15 August 2018.

Madaxwayne Donald J Trump ayaa dacwad ka gudbiyay Omarosa Manigault Newman, iyada oo lagu eedeeyay in ay jabisay heshiiskii 2016 oo ahaa mid ay reeban tahay in shaaci laga qaado sir aad la wadaagto madaxwaynaha.

Golaha ololaha doorashada ee madaxwayne Donald Trump aya waxaa ay billaabeen in ay tallaabo sharci ka qaadaan gabadh horey la taliye uga ahayd aqalka cad.

Gabadhani ayaa laga gudbiyay dacwad ah in ay jibisay shuruudaha qandaraaskeeda.

Muranka u dhaxeeya labada dhinac ayaa faraha ka baxay ka dib markii Mrs Newman ay sheegtay in ay soo saarayso buug cusub oo halis ku ah madaxwayne Trump.

Haweenaydan ayaa soo saaraysa buug xusuus qorkeeda ah, waxayna kaga hadlaysaa waxyaabihii ay kala kulantay Aqalka Cad.

Talaadadii, Mr Trump ayaa si caro leh u beeniyay eedeeynta ah in cod laga duubay iyada oo ku dhawaaqayo erey gef ku ah dadka Afrikanka ah.

Mrs Newman aya horey la taliye uga ahaan jirtay aqalka Cad, balse markii dambe shaqada laga ceyriyay.

Dagalkooda dhanka afka ayaa bilaabmay ka dib markii madaxwayne Trump uu ku tilmamay "Eey".

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaaya in sargaal sare oo ka tirsan golaha ololaha Trump uu warbaahinta Mareykanka siiyay bayaan uu ku xaqiijinayo dacwada laga gudbiyay Mrs Newman.

Balse Mrs Newman ayaa sheegtay in aysan jirin cid u cagajugleyn karta.

"La iima aamusiin karo," waxa ay sidaasi u sheegtay wakaalada wararka ee AP ka dib markii dacwada laga gudbiyay.

Haweenay la taliye horey ugu ahayd madaxweyne Donald Trump ayaa baahisay cajalad sir ah oo ay ka duubtay Trump.

Cajalkan oo cod ahaa oo laga sii daayay taleefishinka NBC ayaa laga maqlay cod u eg kan Trump oo haweenaydan Omarosa Manigault uu kula hadlayo, kuna leeyahay Qofna iima sheegin arrintan", isaga oo ula jeeda in iyada shaqada laga eryay maalin ka hor.

Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo cajal sir ah laga duubo Trump, lagana baahiyo warbaahinta.



66 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines