Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dawlada Itoobiya Oo ka Hadashay Waxa Laga Yeelayo Ciidamada Liyuu Booliiska Ee Kilinka Shanaad.



Wed 15 August 2018.

Taliye Sare oo ka tirsan ciidamada milatariga Itoobiya Sareeye gaas Maxamed Tesema islamarkaasina ah agaasimaha xiriirka bulshada ee wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya ayaa sheegay in aanu hadda jirin qorshe lagu kala dirayo ciidanka deegaanka Soomaalida ee Liyu Booliiska.

Dhanka kale wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray wasiiradda, ku xigennadoodii, maareerayayaasha wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn.

Waxaa caasimadda horay usii joogay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga dimuqraadiga ee shacabka Soomaalida Itoobiya oo 45 xubnood ka kooban ayna ku jiraan madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka.

Dadka qaar ayaa sheegaya in sababta mas'uuliyiintaasi la isugu geeyay Addis Ababa ay tahay qiimeyn lagu sameynayo shaqadooda iyo isla xisaabtan.



65 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines