Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Xisaabiyihii Guud Ee Shirkada Dp world Ee Dekada Berbera Oo Is Casilay.



Mon 09 July 2018.

Iimaan Yuusuf Iimaan oo ahaa xisaabiyihii guud ee Shirkada DPWorld ee dekada Berbera ayaa la sheegay in uu iska casilay xilkii uu hayay.

Iscasilaada xisaabiyaha ayaa lasheegay inay ka dambaysay markii uu saluugay shaqada uu gcanta ku hayay ee dekada Berbera. Xilka uu baneeyay ayaa waxa imika si ku meel gaadh ah uhaya ku-xigeenkiisii oo ah nin ka soo jeeda dalka Senegal.

Hadaba Illaa Iminka waxaa la Ogyahay uun in Xisaabiye Iimaan Yuusuf iimaan uu Xilkaasi Iska casilay Shirkada Dp World na aay ka Aqbashay is Casilaadiisa oo ahayd mid kadisa.

Illo wareedyo kaelana waxay Sheegeen in Mudadii u danbaysay ay Isku Dhacsanaayeen Mareeyaha Shirkada Dp world ee Dekada Berbera Superga, waxaana  Xogo wareedyadu intaa ku dareen in Xisaabiye iimaan uu Yahay Nin Ku  adadkaa sharciyada maamulka Xisaabaadka Balse uu  Ka Biyo Diiday gacan Dhaaf kaga Timid Masuuliyiinta Shirkada.



83 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines