Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Farmaajo Oo Martiqaad Rasmi U Diray Wiil Soomaali ah ku Guuleystay Tartanka Quraanka Maraykanka.



Sun 08 July 2018.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marti qaad u fidiyey wiil Soomaali ah oo ku nool dalka Maraykanka, kaasoo ku guuleystay tartanka Quraanka Kariimka ah.

Axmed Burhaan Maxamed oo ku guuleystay abaalmarinta Dubai ee caalamiga ah, isagoo ka guuleystay in ka badan 100 qof oo adduunka ka kala yimid, kuna tartamayey Quraanka Kariimka ah.

Axmed oo 17 jir ah ayaa u sheegay warbaahinta dalka Maraykanka in uu aad ugu faraxsan yahay xiriirka ay la soo sameysay Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaasna ay qiimo weyn u leedahay inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo.

“Waa wax aad u farxad badan, ma aanan fileynin. Waxay iiga dhigantahay maamuus iyo ixtiraam aad u badan.”ayuu yiri Maxamed oo todobaadkan soo gaari doona magaalada Muqdisho.



85 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines