Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dagaal Mar Kale Saaka Ka Qarxay Deegaanka Ceel-afweyn Oo Sababay Dhimasho



Thu 05 July 2018.

Wararka aanu ka helay deegaanka Darar-weyn ee degmada Ceel-afweyn ayaa waxa ay sheegayaan in saaka uu markale dagaal ka dhex bilaabmay Beelaha walaala ah ee Colaadu ka dhaxayso ee Deegaanka Ceel-afwayn.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay hal qof waxaanu ku dhaawacmay ee hal qof oo kale sida ay dad goob joogaal ah ay u xaqiijiyeen shabakada Heemaalnews
Ciidammada qaranka ee ku sugan deegaankaasi ayaa la sheegay inay kala dhex-galeen, waxa ay wararku sheegayaan in uu dagaalku istaagay.

Muddooyinkii u dambeeyay wax labadan Beeleed Sacad Yoonis (Habar-yoonis) ah iyo Biciido oo (Habar-jeclo) ah ka dhex taagnaa saansaan colaadeed.
Xukuumadihii kala dambeeyay ee KULMIYE ayaa ku guul-darraysatay inay nabad waarta ka dhex dhaliyaan labadan beelood ee wada dega deegaankaasi oo ay colaadoodu daba dheeratay.

 



83 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines