Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Xildhibaan Abiib Oo ka Hadlay Shir Ay Xildhibaanada Baarlamanka Awdal Kaga Dareen Celinayeen Saami-qaybsiga Oo Baaqday.



Wed 04 July 2018.

Waxa manta baaqday Shir-jaraaid oo ay u balansanaayeen xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Awdal eek u jira golaha Wakiilada Somaliland oo duluciisu ahayd inay kaga dareen celiyaan warqad ka timid madaxwayne Biixi oo uu golaha wakiilada kaga dalbanayay in doorashooyinka lagu galo sidii hore, meeshana laga saaro wax saami qaybsi la yidhaa, waxana baaqashada shirkan Jaraaid u xaqiijiyay Shabakada Xildhibaan Abiib Caddi Good

“Waxwalba waxa ay u dhacayaan sidii loo qorssheeyay, dib u dhaca kooban eek u yimid shirkii manta dhici lahaana waa mid dhinaca diyaargarowga ah” ayuu hadalaka ku soo koobay Xil Abiib.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa Xil. Abiib waxa uu gardaro cad oo ka dhan ah cadaalada, saamiqaybsiga, iyo masuuliyada ku tilmaamay mawqifka Madaxwayne Biixi uu ka qaatay sixida saami qaybsiga golaha wakiilada waxana uu yidhi “Mudo dheer ayaa saami-qaybsiga golaha Wakiiladu ahaa mid aan dheeli tirnayan dadka reer Awdalna iyaga oo xaqooda raadinaya ay kala gorgortameen madaxwayneyaashii dalka Soo maray, ilaa la isla galay maxkamad oo ay xukuntay in kumeelgaadh doorashadii u dambaysay lagu galo, kadibna a saxo, xaalkii sidaas ahaaa manta wax ka badalan ayaa Madaxwayne Muuse Biixi oo ku dareen celiyay, waxana uu qaatay go’aanka ah in aanay reer Awdal waxba ka maqnayan, 13kaas kursina ay ku galaan doorashada, isaguna uu diyaar u yahay inuu jiidh-siiyo oo uu ku sanduleeyo, waxana aan go’aankaas ku qornaa warqadii uu u soo diray golaha Madaxwaynuhu aan u arkaa mid Gardaro ku ah dadka reer Awdal ee dalkan sidii uu cagahiisa iskugu taagilahaa dhiiga, nafta, maalka iyo maskaxdaba u huray”

Madaxwayne Biixi ayaa markii uu ku jiray doorashooyinka waxa uu ku ololayn jiray inuu cadaalad ka samayn doono saamiqaybsiga baarlamaanka, waxana si gaar ah reer Awdal ugu suntan hadalkii uu kaga ololeeyay Magaalada Dila ee uu ku soo gunaanaday hadii la I doorto golaha wakiiladu sidan u sii muuqaal xukaan maaye ee waxa uu noqon doonaa mid la dheeli tiro oo gacanta la wada Galiyo.

Si kastaba aha ahaatee Cadaalad Darada Baahsan ee aanay soo muuqan xalka u maqan ee lagu daawayn lahaaa ayaa waxa rayul caamka gobolka Awdal iyo gobolada Bariga Somalilandba ay isku raacsan yihiin inay tahay Boogta ay Soomaalilaand u naafoobayso mustaqbalka si la mid ah sida kamuuqata murtidii Soomaaliyeed ee ahayd “Rag Cadaalad Waayay Sida Cawsha Kala Yaac”



87 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines