Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Maxkamadda Ecuador Oo Amartay in lasoo Xidho Madaxweyne Hore.



Wed 04 July 2018.

Maxkamadda Ecuador ayaa Talaadadii amartay in la xiro Rafael Correa oo horay madaxweyne u soo noqday, isaga oo loo haysto in uu ku lug lahaa qof ay is hayeen oo 2012kii la afduubtay.

Correa oo hadda ku nool dalka Belgium oo xaaskiisu asal ahaan ka soo jeedo ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay.

Garsoore Daniella Camacho ayaa sheegtay in ay booliiska caalamiga ah ee Interpol u gudbisay dalab ku aadan in loo soo masaafuriyo.

Fernando Balda oo xildhibaan hore ahaa ayaa wakhti koobaan lagu afduubtay magaalada Bogotá ee dalka Colombia, halkaas oo markii dambana uu isaga cararay markii uu caddaadis badan kala kulmay Correa.

Wuxuu arrintaas ku eedeeyay madaxweynihii wakhtigaas oo talada hayay 2007 ilaa 2017kii, isaga oo sheegay in uu maleegay afduubkiisa.

Balda wuxuu wakhtigaas wajahay dacwado la xiriira afgambigii dhicisoobay 2010kii ee ka dhanka ahaa Correa, wakhtigaas ka dibna waxaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah isaga oo lagu eedeeyay in uu wax u dhimay ammaanka dalkaas.

Garsooraha ayaa Talaadadii sheegay in Correa uu ku guuldarraysatay in uu ka soo muuqdo maxkamad ku taalla Quito si uu gacan u siiyo baaritaanka lagu hayo sheegashooyinka afduubka.

Taas badalkeedana madaxweynuhu wuxuu tagay qunsuliyadda Ecuador ay ku leedahay magaalada Brussels, taas oo xeer ilaaliyuhu ay ku tilmaantay meel ka dhac lagu sameeyay amarkii ay bixisay.



77 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines