Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Ma-dhabbaa In Safiiradda Soomalia Ee Pakistan ay Hoos U Dhigtay Maqaamkii 26ka June.



Tue 03 July 2018.

Anigu oo ah muwaadin qof reer Somaliyeed waxaan ka xumahay in ay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan ay hoos u dhigtay maqaamka maalinta xoriyadda Goboolada Woqooiyga ka qaateen Ingiriiska islamarkaana ah maalintii dul Somaliyeed laga taagay calanka.

Aniga oo u haystay maalinta 26ka June In lagu wada faraxsan yahay ayaan waxaan arkay Danjire Khadiija Mohamed Almahkhzlumi iyo diplomaasiyiinta kale oo xafiska ku sugan, sidii maalmaha kale ee caadiga ay u shaqaynayaan, islamarkaasina aan danba ka lahayn maalintan dadka reer Somaliland ay u tahay maalin wayn islamarkaana uu arkayay .

Dhacdadan ayaa kala qaybisay Diblomaasiyiinta Safaaradda, taas oo qaarkoood ay ku doodayeen in ay tahay maalin qaran mudan in aan maqaamkeeda hoos loo dhigin, halka kuwa kalena ku doodayeen in ay tahay maalin shaqeed oo aan waxba faa’iido inoo lahayn.

Dawladdaha caalamka ayaa maalmaha Ciida, xornimada iyo maalmaha kale ee muhiimka u ah u aqoonsada maalin fasaxeed islamarkaana soo ban dhiga awoodohooda dhaqan, ciidan iyo bulsho si ay u muujiyaan muhiimadda maalmahaas uleeyihiin naftooda iyo bulshadoodaba, Dhanka kale Dawladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maalmaha 26, June, 1st July u aqoonsan maalmaha xoriyadda gobolada Waqooyi, waxaana fasax la galiyaa dhamaan xafiisyadda dawladda iyo kuwa kale ee bulshadda, Dhacaddan Pakistan ka dhacday ayaa waji gabax ku noqonaysa xirfadda Diplomaasiyiinta Soomaaliya ee dibadda loo diro, kuwaas oo aanan fahamsanayn qadiyadda dalkooda iyo kala mudnaanta maalmaha ee heer qaran.

Waxana xusidmudan in arintani ugubka ahi ay sababi karto inay bulshad siyaasad ahaan ay u sii kala erdhayso, waxana bulshadu ku rajoweynyihiin in arintan sida ugu dhakhsahabadan wax ay uga qabanayaan madaxda hada dalka ka talisa ee jecel horumarka iyo isku xidhnaanshaha bulshada dhaqan dhaqaale.
Qore Maxamed Cali Warsame
Warsame@gmail.com



94 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines