Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Duqa Caasimada Tunis Oo Markii Ugu Horaysay loo Doortay Haweenay.



Tue 03 July 2018.

Haweeney ayaa markii ugu horreysay loo doortay inay noqoto duqa magaalada caasimadda u ah dalka Tunisia ee Tunis.

Sucaad Cabdiraxmaan oo ka tirsan xisbiga Islaamiga ee Al-Nahdha ayaa sheegtay in waxqabadkeeda ugu horreeya uu noqon doono ka shaqaynta bilicda magaalada.

Guusha ay gaartay Sucaad waxaa soo dhaweeyay haweenka ku dhaqan dalka Tunisia.

Doorashooyinkii dowladda hoose ee bishii lasoo dhaafay ka dhacay Tunisia ayaa noqonaysa doorashadii ugu horreysay ee halkaasi laga qabto tan sannadkii 2011-kii uu kacdoon ka jiray dalkaasi.

Doorashada dowladda hoose ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo ku gogol xaar u ah dhamaystirka howlaha dimuqraadiyadda Tunisia.



96 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines