Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Qarax Khasaaro Nafeed Gaystay Oo ka Dhacay Magaalada Jalalabad Ee Bariga Dalka Afqaanistaan.



Sun 01 July 2018.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga dalka Afqaanistaan.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow dhismaha xafiiska barasaabka gobolka ayaa sidoo kale waxaa uu burburiyay dhismayaal ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Madaxweynaha dalkaasi Ashraf Ghani, ayaa saacada ka hor qaraxa booqday magaaladaasi.

Sarkaal ka tirsan kuwa gobolka ayaa sheegay in siddeed ka mid ah dadka qaraxaasi ku dhintay ay ahaayeen xubo ka tirsan Hinduuga laga tirade badan yahay oo doonayay in ay soo dhaweeyaan Ghandi.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

Qaraxa ayaa ku soo beegmayo maalin uun kaddib markii dowladda dalkaasi ay billowday hawlgal ka dhan ah mintidiinta Taalibaan kaddib xabbad joojin hal dhinac ah oo ay Taalibaanku ku dhawaaqeen xilligii ciidul fidriga.



90 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines