Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Farmaajo Oo ku Dhawaaqay inuu Dib u soo Celinayo Wada hadaladii Somaliland.



Sun 01 July 2018.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay dib u soo celiso wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay munaasabadda xuska 1-da Luulyo ayuu sheegay in Somaliland ay yihiin dad walaalo ah, balse duruufo iyo dhib badan soo maray.

“Somaliland waa dad walaalaheena, duruufo iyo dhib badan ayaa soo maray oo laga yaabo inuu nakala qeybiyo, dowladdan diyaar u tahay wada hadaladii soo celiso”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo sii hadlayay ayaa yiri “Dowladda waxay diyaar u tahay inay wada hadaladii soo celiso, inay si wanaagsan oo run ah oo xaqiiq loo wada fariisto Somaliland kalama maaranto, waa dad walaalo ah, waa dad wax walba aan wadaagno inaan umadda soomaaliyeed isku soo celino oo isku soo dunno oo walaaleyno ayaa qof walba oo Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta ay waajib ka saaran tahay”

Soomaaliya nabad u baahan tahay, waxaa leeyahay arrimaha Tukaraq ka socda dadka soomaaliyeed dhiiggooda ku daadanaya hala joojiyo, waxaa ku dhimanaya wiil soomaaliyeed, wh

Waxaa uu sheegay in wada hadaladaas ay rajeynayaan in si kasta oo kalsooni lagu gelin karo ay sameyn doonaan, maadaama ay yihiin garab ka maqan.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa mar kale ku baaqay in la joojiyo Colaada Tukaraq iyo dhiigga ku daadanaya, isagoo xusay in Soomaaliya xilligan u baahan tahay Nabad.

Wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakaday xilligii dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Xasan Sheekh, waxaana tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo qabsoomin wax wada hadal ah.



85 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines