Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Imaaraadka Oo Hakiyay Weerarada ka Dhanka Ah Xutiyiinta Yemen.



Sun 01 July 2018.

Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in isbahysiga uu sacuudiga hogaamiyo uu joojiyay weerarada ka dhanka ah mucaaradka Xutiyiinta ee ku sugan magaalada Hodeida.

Imaaraadka ayaa qeyb ka ahaa isbaheysiga taageerayay dowlada Yemen markii ay qabsanayeen magaalada Hodeida.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xabad joojintaan looga gol'leeyay in ay meel maraan dadaallada wadahadallada nabadeed ee ay waddo Qarama Midoobay.

Ergeyga gaarka ah ee qaramada midobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths ayaa kulama la yeelanayay dhinacyada isku haya dalka si loo joojiyo dagaalka.

Mr Gargash ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dadaalada lagu doonayo in xoogagga Xutiyiinta looga saaro magaalada Hodeida.

Dekadda magaalada Xudeydah ayaa ah goob laga soo dajiyo gargaarka bina'aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Yemen ee tabaalaysan.



84 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines