Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dowlada Oo Diyaarisay Gaadiid Shacabka Lagu Daabulo Maalinta Wadoyinka loo Xidhayo Xuska 1- da Luulyo.



Sat 30 June 2018.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diyaarisay Basas waaweyn oo loogu tala galay in lagu qaado Shacabka Soomaaliyeed ee kasoo qayb galaya dabaaldega 1- da Luulyo ee ka dhacaysa magaalada Muqdisho inta ay xiran yihiin wadooyinka.

Dowladda ayaa waxa ay sheegtay in arintan loogu danaynayo shacabka si aan loo dhibaateyn maadaama la xiri doono wadooyinka Muqdisho maalinta 1- da Luulyo sidaasi darteed shacabka loo diyaariyay Basas waaweyn oo lacag la’aan ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa sheegay in qorshahaan loogu tala galay in shacabka loogu daneeyo.

Wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka doonayaan in ay dulqaataan inta ay xiran yihiin Wadooyinka.

Sikastaba ha ahaatee waa markii ugu horreysay ee dowladda Soomaaliya ay keento qorshe shacabka ku raali galinayso waqtiga la xiro wadooyinka,balse lama hubo inay basaska ay buuxin karaan baahida shacabka Muqdisho.



87 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines