Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dawlada Gambia Oo Xaraashaysa Hantda Madaxweynihii Hore Ee Yaxya Jammeh.



Fri 29 June 2018.

Dowladda Gambia ayaa qorshaynaysaa inay xaraashto hantida uu ka tegay madaxweynihii hore ee Gambia Yaxya Jammeh.

Hantidan waxaa kamid ah shan kamid ah diyaaradaha raaxada iyo 30 baaburta raaxada ah.

Sannadkii lasoo dhaafay dowladda Gambia waxay sheegtay inay ku rajo wayn tahay in lacago maalayin ah ay ka hesho hantidii uu lahaa Yaxye Jammeh sii ay ugu maalgeliso dhisitaanka Iskuulo iyo isbitaallo.

Lamin Camara oo ah xoghayaha joogtada ee wasaaradda maaliyadda dalkaasi ayaa sheegay in dowladda hadda ay samaynayso Website gaar ah oo loogu talagalay xayaysiinta hantida Yaxye Jammeh sii loo xaraasho.

Balse xilliga la xaraashayo hantidii madaxweyne hore ee Gambia shaaca lagama qaadin.



95 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines