Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Wasaaradda Dastuurka iyo Kuwa Dowladda Gobolleedyada Oo Shir Uga Furmay Muqdisho.



Fri 29 June 2018.

Shirka Madasha shanaad ee ay ku mideysanyihiin Wasaaradda Arrimaha dastuurka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo looga doodi doono qodobo badan ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa wasaaradaha iyo gobolka Banaadir ku soo bandhigi doonaan horumarka seddexdii bilood ee la soo dhaafay laga sameeyay arrimaha dib-u-eegista dastuurka iyo howlaha hortabinta leh bilooyinka soo socoda ee la qaban doono.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha dastuurka ee DFS Dr Xuseen Cabdi Cilmi oo furay shirka ayaa ka hadlay ujeeddada shirka.

“Waxaan marka hore dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay Shirka Madasha uga soo qaybgaleen, shirkan shanaad ee madashan aan ku mideysannahay waxuu inoo leeyahay muhiimad gaar ah maadaama aan xog ku kala qaadaneyno si wadajir ahna aan uga heshiineyno waxa aan qaban doonno inaga oo si mideysan ugu soo guuleysanay qabashada Shir-weynihii Qaran ee Dastuurka” ayuu yiri ku-xigeenka.

Shirkan ayaa la soo xiri doonaa beri waxaana Madasha ka soo bixi doona War-murtiyeed.



91 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines