Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Saddex Wiil Oo Walaalo ah Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.



Sun 17 June 2018.

Saddex wiil oo walaalo ah ayaa caawa lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan.

Labo ka mid ah wiilasha ayaa ahaa walaalo isla dhashay, halka midka kalena ay ilmo adeer ahaayeen, waxaa ninka dilka geystay uu la ahaa qaraabo.

Ninka dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana ciidamada ammaanka ay wadaan baadigoobka ninka dilka geystay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in falka dilkan uu salka ku haayo muran dhul oo u dhaxeeya qoyska.

Inta badan muranda dhulalka iyo guryaha ayaa sababa dhibaatooyin kala duwan, waxaana dacwadaha ugu badan ee Maxkamadaha yaalla ay la xiriiraan muran dhul iyo guryo lakala heysto.



85 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Shirka Midowga Afrika Oo ka Furmay Adis-Ababa.

03:01am, Sat 17 November 2018