Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

DAAWO : MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO KA HADLAY SIDUU XUKUUMADIISA UGU QAYBIYAY BEELAHA SOMALILAND,KUNA DHAWAAQAY GOORTII WEREEJINAAYO GUDOOMIYAHA KULMIYE.



Wed 11 April 2018.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay la waydiiyay su’aal ku saabsan sababta uu beelaha Somaliland ugu kala badiyay saamiga xukuumadda uu soo dhisay.
 
Madaxweyne Muuse Biixi oo waraysi dheer uu ka qaaday Wariye Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan Universaltv ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu beelaha Somaliland u kala badiyay dhismaha xukuumaddiisa.
 
“Waxaan Ka bixinayaa addigu tiriyoo, hadii aanay reeruhu isu miisaanayn dee waa runtaa faaladaasi, hadii ay isu miisaaman yihiina dee tiro ayaaba taala meesha oo waa wax la yaqaano oo la tirinaayo markaa la iskuma haysto beeluhu isuma miisaana tiradaas” ayuu kaga jawaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
 
Mar la Weydiiyay sida uu arko Shirka Beelaha Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa waxa uu xusay in uu soo dhaweynayo “Shirkaas waan soo dhaweynayna, Somaliland waxa ay ku caano maashay marka ay waxba garan waydo way shirtaa oo ay way tashataa wanaag ayaana ka soo baxa,Cidii sharaysana waxaaba ogol dastuurka, markaa shirkaasi waa mid nabadeed, waxaanay ka tashanayaan waxa ay qoonsanayaan, hadii ay aniga wax iga qoonsanayaan xaq bay u leeyihiin, waanu wada hadli oo daw bixiye ayaan ahay, hana soo uruuriyaan taladooda waanu isu imanaynaa” ayuu yidhi
 
 Hoos Ka Daawo Waraysigani Oo Dhamaystiran.
 


Awdalmedia.com

Boorama /Awdal



234 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines