Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Warsaaxafeed ku Dhaqan Galiyey In maalinta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.



Tue 10 April 2018.

WaAR-SAXAAFADEED: 10/04/2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-79/42018 ku asteeyey in Maalinta Dhirta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

Waxaanay wareegtadu u dhignayd sidan:
Wareegto Madaxweyne

Maalinta Dhirta Somaliland

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, 34aad, Faqradda 4aad iyo 18aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 7aad iyo 9aad ee Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur-joogta Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Dersay: Muhiimadda ay Dhirtu u leedahay ka hor-tagga Nabaad-guurka, Bad-qabka iyo Bilicda Deegaanka Dalka;

Markaan Arkay: In Dabar-goyn iyo xaalufin ba’an lagu hayo dhirta, isla markaana ay lagama-maarmaan tahay in muwaadin kastaa uu xil iska saaro daryeelka iyo beerista dhirta;

Waxaan Go’aamiyey;

In maalinta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

In Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyigu ay hirgeliso xuska maalintan sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha ku shaqada leh Arrimaha Deegaanka.

In Maamulka Gobollada iyo Degmooyinku ay Wasaaradda si buuxda ugala shaqeeyaan Dhir-beerista, Daryeelka Dhirta iyo Daaqa.
In muwaadin kasta oo Somaliland ahi xil-weyn iska saaro xannaanaynta iyo beerista dhirta.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland



154 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines