Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Taliye Gorod Oo ka Hadlay Dagaal Maanta Dhexmaray Ciidamo ka Wada-tirsan Dawlada.



Wed 21 March 2018.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas, Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod oo ka hadlay dagaal maanta ku dhex maray magaalada Muqdisho ciidamo ka wada tirsan dowlada.

General Gorod oo ay wareysatay laanta afka soomaaliga ee Voa ayaa ku tilmaamay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho inuu ahaa dagaal ay ciidamo isku qaldameen.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo ay u taliyaan dowlada imaaraadka carabta balse ay yihiin oo kaliya ciidamo ay tababareen Imaaraadka Carabta.

“Ciidamada lagu soo tababaray Imaaraadka waa ciidamo amarka ka qaata dowlada mana aha ciidamo aan ka tirsanayn ciidamada xoogga dalka.”ayuu yiri general Gorod.

“Hubka iyo dareeska ay xiran yihiin ciidamada waa kuwa xoogga dalka mana ah kuwo hoos taga Imaaraadka Carabta.”ayuu sii raaciyay.

Hase yeeshee taliyaha ayaa qirey in weli ciidamada Imaaraadka ay yihiin kuwo ku sugan xeradii lagu tababaray.

Dagaal saaka dhex maray ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo ciidamada lagu soo tababaray dalka Imaaraadka ayaa waxaa ay sababeen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.



147 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines