Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Somaliland iyo Somalia Wax ay ka Wadahadlaan Meesha ma yaalaan ! ! ! ! Maxamuud Samatar



Sun 25 February 2018.

      Somaliland waxa ay madax banaanideedii ka  heshay gumaystihii Ingriiska  06/26/1960, shan cisho ka dibna waxa ay la midawday Somalia oo madax banaanideedii ka heshay gumaystihii Talyaaniga 07/01/1960. Midawgii  Somaliland iyo Somalia ka hor waxa qaaradda  Afrika ka socday dhaqdhaqaaq xoriyada doona ahaa oo lagaga soo horjeeday gumaystayaashii reer ee Yurub ee kala qaybsaday Afrika 1884-1885 shirkii Barliin, Germany, shirkaasa oo ay Ethiopia qayb ka ahayd. Wadamadii reer Yurub  kala qaybsaday Afrika waxa ay kala ahaayeen, Belgium, Germany, Portugal, France, Italy, Spain iyo England.  

     
  French
  German
  Ethiopia
 
    Gumaystayashii Yurub markii ay qaybsanayeen Afrika waxa ay ahayd xiligii ama Casrigii Warshadaynta/Industrial Revolution, waxana ay ku tartamayeen/dagaalamayeen  dhul balaadhsi iyo sidii ay khayraad u heli lahaayeen, taas oo ahayd sababta u wayn ee keentay in ay Afrika kala qaybsadaan. Sida Qormada/Map-ka kor sawiran caddaynayo reer Yurub markii ay qaybsanayeen Afrika umay kala qaybin wadamada/dagaanada qayb si ku salaysan Qawmiyaddo/Ethnicity, Nationality.
 
     Qawmiyadda Somalida  waxa kala qaybsaday, England/Somaliland,, Italy/Somalia, France/Djibouti iyo Ethiopia/Somali Galbeed iyo Hawd and Reserve Area. Hawd iyo Reserve oo England haysatay waxa ay Ethiopia u gacan galisay 1954, Hawd and Reserve Area waxa ay ka mid ahayd Somaliland. Dhulka Glabeed ka xiga Hawd iyo Reserve Area waxa Ethiopia la siiyay/qaadatay 1884.      
 
        Halgankii Daraawiishta iyo dhamaan qaybihii kala duwanaa bulashada  Somaliland ka dib, 06/26/1960 waxa ay Somaliland ka xorowday Gumaystihii Ingriiska. Somaliland waxa ay noqotay wadankii uGu horeeyay ee laga taago calan Somaliyeed. Somaliland waxa ay noqotay ama tahay wadanka qudha ee ka horyimid XUDUUDIHII uu Gumaystaha Yurub kala dhex dhigay qawmiyadihii Afrika ama Somaliyeed. Umadda Somaliland iyada oo ka duulaysay sidii loo midayn lahaa Somali oo dhan/SHANTII Somaliyeed ee gumaystuhu kala qaybiyay,  SHAN CISHO kadib 07/01/1960 waxa ay la midawday Somalia oo markaa madax banaanideedii ka heshay Gumaystihii Talyaaniga. Wadamada Afrika iyo Carabtu waxa ay ku dhismeen ama ku kooban yihiin XUDUUDII gumaysiga.   
 
      Horta midawgii Somaliland iyo Somalia 70160 muu ahayn mid qorshaysnaa oo labadii dal ee midoobay ku heshiiyeeen awood qaybsi deelitiran iyo aayaha laba dal haddii ay wax isbadalaan. Waxa se jirtay  in ay hogaanka  labada dal  isla socdeen kana midaysnaayeen dhaqdhaqaaqii madax baanaanida iyo sidii loo midayn lahaa shantii Somaliyed,  Somaliland, Somlia, Djibouti, NFD iyo Hawd and Reserve area/Somali Galbeed.
 
      Madaaxdii Somaliland ee qaranimadoodii gaysay Somalia niyadda iyo warwarba kagama jirin xil ama hogaan sare iyo awood qaybsi, waxa waday  jibo, xamaasad gobanimo iyo wadaninimo Somalyeed/Somali Nationalism, shakina kagama jirin in hogaanka iyo talada wadanka ay wax ku yeelanayaan . Iyada oo xaalka madaaxdii Somaliland sidaa ahaa ayaa waxa u caddaatay in ragii/madaaxdii Somlia ay arin khaa'inimo, tuugo iyo Maafios-nimo, dhaqan xun oo uu  baray Talyaaniu ay hoosta ka wateen, horena qorshaha  talada iyo hoggaanka  dalka ay u gaadheen. Waxa madaxwayne noqday AHUN Aaden Cadde/inan la yaal/maqaar saar ay iska wateen  AHUN hogaankii  Majeerteen  ee ka talinayay Xamar intii Talyaanigu joogay, sida  Sharmarke, Abdi-Razak, Abshir/Haamaan iyo Muuse Boqor. Kadib markii ay xilalkii uGu  muhiimsannaa ay wada  qaateen hogaankii Somalia ayaa AHUN Ibrahim X Cigaal oo markaa hogaaminayay waftigii Somaliland, waxa  ay ka dhigeen wasiirkii gaashaandhigga/Defense Ministe r, markaas ayaanu bilaabmay, halgankii, niyad jibkii, isqoomamayntii reer Somaliland. Arintaas oo keentay in Saraakiishii ciidamada ee Somaliland ay dayeen INQILAAB, 1961.   
 
 
     Markii  ciidamadii Somlia ee uu hogaaminayay Siyaad Barre 1969-kii  ay  afgambiyeen  dawladii rayadka ahayd ee AHUN Sharmarke iyo Cigaal, bilawgii waxa ay u eekayd Dawlad ka dhaxaysa Somali oo dhan hadafkeeduna  ahaa sidii shanti Somaliyeed loo heli lahaa, hase yeeshee 3 sano kadib 1972  waxa uu Siyaad Barre dil toogasho ah  ku xakumay  sarakiil badan oo ay ka mid ahaayeen AHUN  Caynaashe,  Gabayre iyo  Cabdulqaadir Dheel. Sababta uu u dilayna kolay waxa ay ahayd isku kalsooni la'aan,kala rayi duwonaansho, Jaahil nimo ama  casbsi Siyaad Barre ka qabay in ay meesha ka saaraan. Adduunkana waxa wax soo dili jiray ama wax  dila qof jaahila, kai taliyi ah ama  gar ma qaate ah , oon ilbaxnimo iyo bani'aadanimo aan melena ka soo galin.
 
       Laga bilaabo 1972-kii  waxa ay dawladii Siyaad Barre isku badashay xukun military oo kali talis ah oo beelaysan oo lagu bar tilmaamsado beelo gaar ah, sida, Hawiye,  Isaaq, iyo Majeerteen, taas oo keentay in dhamaan, wax garadkii iyo intii karaysaba ay ka yacaan wadanka. Waxa bilaabmay halkan ay hormood ka noqdaan saraakiishii ciidamada ee Somalia ee qaybta libaax ka qaatay dagaalkii 1977-kii ee ay hormoodka ay ka ahaayeen kali taliye yaashii, Siyaad Barre iyo Mangistu si ay kursiga ama hogaanka  u sii dheeraystaan. Waxa ay arintani keentay in ay samaysmaan jabhado, sida, SNM, USC iyo SSDF, 1980-yadii.
 
         Ciidamadii Siyaad Barre waxa ay xasuuq, iyo bara kicin ba'an kula kaceen beesha Isaaq ee Somaliland, halgankii SNM awgeed, waxana dhulka lala simay Hargeisa, Bar-bara iyo Burco, iyada oo ciidamadii Siyaad Barre adeegsanayaan tankiyo iyo diyaaradaha dagaalka, MIG-21 iyo MIG-17.
 
       Mar labaad 05/18/991 waxa ay Somaliland dib u hanatay madax banaanideedii markii ay beelaha Somaliland iskuraaceen ama ku ku heshiiyeen Borama iyo Burco.
 
 
       Hadaba haddii aanay meesha ool wixii ay Somaliland iyo Somalia ay ku midoobeen, maxay ka wada hadlayaan Somaliland Iyo Somalia.
 
 
         1. Shantii Somaliyeed ee loo midoobay, meesha way ka baxday.
         
          2. Bilawgii ama midawgii u horeeyay awood qaybsi ma dhicin , Somaliland waa la khiyaameeyay.
 
          3. 1980-1991 waxa ay Dawladii Somalia xasuuq ka gaysatay Somaliland.
 
          4. Siyaasiinta/madaax ku sheegga Somalia  waa beenaaleyaal, ma ogola in ay sheegaan taariikhda dhabta ah ee Somaliland. Waxa ay uGu yeedhaan Somaliland Gobolada Woqooyi.
 
          5. Maantadan dawlad ku sheegga Somaliya ma hayso awood qaybsi dhab ah, darajada/xilka ugu sareeya ee la siiyaa Somaliland waa Ra'iisal wasaare ku xigeen ama wasiirka arimaha dibadda.    
 
          6. Somalia waxa qaadatay habka Federaalka ee ku salaysan Beelaha/Dawlad Beeleedyo.
 
          7. Somalia ama dawlad ku sheegga Somalia ma hayso waxa ay Somaliland kula midawdo, waxa aan been ahayn.
           Markaa wada hadal meesha kama banana.
 
          8. Haddii lawada hadlayo waa in runta iyo taariikhda dhabta ah ee Somaliland/Somalia laga wada hadlaa, reer Somalia ma ogola runta.  
 
    
           Mohamud Aden Samatar 
           samatarapt@gmail.com
 
             


566 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines