Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Taliska AMISOM Oo Iska Fogeeyay Dilka Askarigii Lagu Dilay Muqdisho.



Sun 25 February 2018.

Taliska AMISOM ayaa war ka soo saaray dilkii habeen ka hor u geysteen askari ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida ee ku sugnaa Koontaroonka KM4, gaar ahaan wadada aada Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa sheegtay in dilka ay geysteen Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl galka AMISOM, markii kolonyo ciidan oo dooneysay inay wadada maraan ay murmeen ciidankii Nabadsugida ee ku sugnaa Koontaroolka.

Taliiyaha Ciidamada Uganda Gen. Paul Lokech ayaa sheegay in shaqaaqada ay bilaabatay, markii Ciidamada AMISOM loo diiday inay maraan wadada, kaddibna ay la hadleen Taliyeyaasha Nabadsugida, isla markaana intii ay wadeen xiriirka Taliyeyaasha ay rasaas ku bilaabeen ciidankii Nabadsugida.

Kolonyada Ciidamada AMISOM ee doonayay inay wadada maraan ay gaarayeen illaa 9 gaari, isla markaana kolonyadaas uu la socday Taliyaha Uganda.

Xilliga is rasaaseynta dhaceysay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka jiray xaalad cakiran, kaddib weeraro iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, isla markaana Ciidamada ammaanka ee dowladda ku jireen feejignaan, iyagoo xiray waddooyin badan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadii habeen hore is rasaaseynta ku dhex martay AMISOM iyo Nabadsugida, iyadoo ehelada askariga laga dilay ay ka dalbadeen dowladda in cadaalada la horkeeno ciidamadii AMISOM ee ka dambeeyay falkaas.



176 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines