Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dawalada Itoobiya Oo Sudaan Kala Hadlaysa Sii Daynta Maxaabiis Jeelasha Dalkeeda Ku jirta.



Wed 21 February 2018.

Dawladda Itoobiya ayaa ka shaqaynaysa sidii dalkooda loogu soo celin lahaa 57 qof oo u dhashay dalka Itoobiya, hasayeeshee in muddo ah ku xidhnaa dalka Suudaan, welina ku jira jeelasha wadankaasi,sidaas waxa bogooda Facebookga ku soo baahiyay wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Itoobiya.

Safiirka dalka Itoobiya u jooga Suudaan oo lagu magacaabo Mulugeta Zewdie ayaa kulan ku saabsan sidii dadkaasi dib loogu celin lahaa dalkoodii kala xaajooday Wasiirka arrimaha gudaha ee Wadanka Suudaan Hamid Manan.

Maxaabiistan ayaa ahaa kuwo lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin maydhida lacagta iyo waliba ka ganacsiga dadka Tahriibka ah, waxaana lagu xukumay xabsiyo isugu jira toban sano iyo labaatan sano.

sidoo kale Safiirka Itoobiya u jooga Khartuum ayaa ka dalbaday xukuuumadda wadankaasi in ay dadka reer itoobiya ee ku sugan dalkaasi ay siiso dhalashada ajanabiga, si ay u helaan xuquuqdooda aasaasiga ah.



159 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines