Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dad loo Xidh-xiray Dilka Guddoomiyihii Hore Ee Degmada Buula-burte.



Thu 08 February 2018.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Beledweyne ku soo qabqabtay dad lala xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen dilkii dhawaan magaalada loogu geystay guddoomiyihii hore ee degmada Buula-burte Cabdi Iidoow Sabriye.

Col Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in dadka la soo qabqabtay ilaa iyo hadda yihiin kuwo la tuhusan yahay islamarkaana la wado baaritaanno la xiriira falalka loo soo xiray ee lagu tuhusan yahay.

Dadka la soo xirxiray ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah shaqsiyaad lala xiriirinayo Qarax habeen hore ka dhacay magaalada oo la sheegay in uu ku dhintay qofkii Aasayay.

‘’Ilaa iyo hadda cadeyn aan gacanta ku hayno ma jirto, laakiin waxaan wadnaa baaritaanno lagu hayo dadkan, ‘’ ayuu yiri Col Isaaq Cali Cabdulle.

Taliyaha ayaa Al-shabaab ku eedeeyay dilka iyo qaraxii ka dhacay magaalada isaga oo intaa ku darray in falalkan noocan oo kale ah marar badan oo hore ay magaalada ka sameeyeen.



163 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines