Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Iiskahorimaad Dhexmaray Ciidmada Booliiska Iyo Dablay Hubaysan Oo Caawa ka Dhacay Muqdisho.

sawir
Fri 24 May 2019.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada booliiska iyo kooxda buracada ayaa iska hor imaad waxa uu ku dhax maray Waaxda Taleex ee degmada Hodan, waxaana iska hor imaadka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadka dhax maray ciidamada booliiska iyo kooxda burcada ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ah burcadii dhaca geesaneysay iyo qof kale oo shacab ah, waxaa sidoo kale howlgalkaasi ku dhaawacmay sargaal katirsan ciidanka booliiska.

Taliye kuxigeebka ciidanka booliiska Soomaaliya Jen Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidamada booliiska howlgalka ay fuliyeen ku dileen nin burcad ah halka nin kale oo isna burcad ahaa uu ka baxsaday ciidamada amaanka.

”Ciidanka boliiska ayaa caawa howlgal ka fuliyay Rugta Qudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan, ka dib marka ay shacabka ku soo wargeliyeen in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacaayay, mid ka mid ah burcadka ayaa goobta lagu toogtay halka kalena uu fakaday. Waxaa howlgalka ku dhaawacmay sarkaalka boliiska rugta xukumay, sidoo kalena ku dhintay hal qof shacab ah.” ayey Tiri Jen Zakiya.

Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii waxaa xaafadaha qaar lagu arkaa burcad hubeesan oo dadka dhac u geesta, ciidamada amaanka ayaana xaafadaha qaar ka sameeya howlgalo burcada lagu ugaarsanayo.



12 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines