Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dad Korayay Buurta Dunida Ugu Dheer Oo Geeriyooday.(Sawiro)

sawir
Fri 24 May 2019.

Dowlada Nepal ayaa shaacisay maanta in ay geeriyoodeen todobo qof oo la sheegay in ay doonayeen in ay koraan buurta Mount Everest oo la tilmaamo in ay tahay buurta dunida ugu dheer.

War kasoo baxay dowlada Nepal ayaa lagu sheegay in dadkaasi oo dalxiisayaal ahaa ay dhinteen xili ay doonayeen in ay gaaraan halka ugu sareysa buurta Mount Everest si ay sawiro iyo muuqaalo xasuus ah isaga soo qaadaan.

Dadkan ku dhintay buurta Everrest ee dalka Nepal ayaa noqonaya tiradii ugu badneyn oo hal maalin ku dhimata iyaga oo doonaya in dusha sare ee buurtaasi gaaraan, waxaana dhirirka buurtan lagu sheegay 8,848 mitir.

Dalka Nepal waxaa sanad walbo taga dalxiisayaal badan oo doonaya in buurtaasi dheer koraan, waxaana dalxiise kasta oo doonaya in buurtaasi koro bixiyaa lacag gaareysa 10,000 kun oo Dollar.



12 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines