Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Ahlu-sune Oo Dad kale U Xir-xiray Falkii Is-qarxinta ahaa Ee Lagu Fashiliyay Degmada Guri-ceel.

sawir
Fri 24 May 2019.

Degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka soconayay howlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidamada maamulka degmada, kaddib weerarkii is qarxinta ee fashilmay ee la doonayay in maalintii shalay laga fuliyo munaasabad ay lahaayeen saraakiisha sar sare ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Qof soo xirtay Jaakada loo adeegsado is qarxinta ayaa gudaha u soo galay goobta ay munaasabada ka soctay, isaga oo gaar ahaan isku soo beegay halkii ay fadhiyeen saraakiisha sar sare ee Ahlu Sunna, balse uma suurtagalin in uu is qarxiyo kaddib markii sida la sheegay ay ka xumaatay farsamadii is qarxinta, iyadoo intaa kaddibna ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ahlu Sunna.

Wararkii ugu danbeeyay ka imanaya degmada ayaa sheegaya in ilaa shan ruux kale loo soo xir xiray arintan kuwaa oo la tuhusan yahay in ay qeyb ka ahaayeen abaabulka qofkan doonayay in uu is qarxiyo.

Dhinaca kale ciidamada Ahlu Sunna ayaa degmada ka wada howlgal ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan nabad-galyada, iyaga oo meelaha qaar baaritaanno ku sameynaya gaadiid iyo dadka intaba.



8 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines