Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Theresa May Oo Iska Casishay Xilka Raisul Wasaaraha Dalka Britain.

sawir
Fri 24 May 2019.

Raisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqday iney iscasishay kadib markii ay saddex jeer ku fashilantay inay ku guuleysato heshiiska UK uu uga baxayso Midowga Yurub.

Mss. May waxay sheegtay inay xilka ka degi doonto 7-da bisha June, iyadoo ka codsatay Xisbigeeda inay soo doortaan qofkii iyada xilka ka bedeli lahaa.

“Markii aan xilka qabtay qorshahaygu wuxuu ahaa inaan  meel mariyo Aftidii shacabka ee sanadkii 2016 ugu codeeyeen inay ka baxaan EU-da, balse dadaal dheer kadib waan ku  guuleysan waayey in heshiisyadii aan soo diyaariyay ka ansixiyo Baarlamaanka” ayey tiri Mss May.

Midowga Yurub ayaa ogolaaday in illaa dhamaadka bisha Oktoober ee sanadkan wakhti lasiiyo dowlada UK inay isaga baxaan EU-da, waxaana la ogeyn qaabka Raisal Wasaaraha cusub ee UK ee xilka qaban doona uu ku xalin doono ismarin-waaga ka dhex taagan Baarlamaanka dalkaasi.

May oo horey usoo noqotay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ahayd haweenaydii labaad oo Raisal wasaare ka noqota wadanka UK.



16 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines