Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Maraykanka iyo Koonfur Afrika Oo Isku Khilaafsan soo Dhiibista Wasiir Maaliyada Ee Mozambique Oo Musuq-maasuq Lagu Eedeeyay.

sawir
Thu 23 May 2019.

Maraykanka ayaa sheegay “in uu aad uga xunyahay” tallaabada ay Koonfur Afrika qaadatay, ka dib markii ay diiday in ay soo masaafuriso Manuel Chang oo horay u soo noqday wasiirkii maaliyadda ee Mozambique.

Maraykanka ayaa raba in uu ninkaas soo taago maxkamad si loogu oogo dacwado musuqmaasuq la xiriira.

Chang ayaa lagu xiray Koonfur Afrika bishii Disembar iyadoo la fulinayo dalab ka yimid Maraykanka oo ku eedeeyay in ninkaasi uu fuliyay qorshe labo bilyan oo doolar ah oo laga dhaliyay arrimo sharci darro ah iyo lacago si sharci darro ah loo kala wareejiyay, arrintaas oo lagu khiyaamay maalgashadeyaal Maraykan ah.

Koonfur Africa ayaa go’aansatay in ay Chang u masaafuriso dalkiisa Mozambique halkaas oo dacwado kuwan la mid ah looga haysto.

Dawladda Mozambique ayaa soo dhawaysay go’aankaas, balse xisbiga u wayn mucaaradka ee Renamo ayaa sheegay in ay shaki ka qabaan in uu xukun cadaalad ah dalkiisa ku heli karo Chang.

Safaaradda Maraykanka oo war soo saartay ayaa tiri “waxaan ku baaqaynaa in dawladda Koonfur Afrika ay Chang u masaafuriso Maraykanka si loogu soo oogo dambiyada loo haysto oo ay ka mid yihiin in uu waxyeelo u gaystay dad Maraykanka u dhashay iyo in uu dawladda Mozambique ka dhacay lacag ka badan $700 oo milyan oo doolar.



11 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines