Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Iran Oo Shaacisay Inay U Diyaar-garowday Dagaal Kaga Yimaada Maraykanka Iyo Xulafadiisa.

sawir
Mon 20 May 2019.

Abaanduulaaha ciidamada Iran Ali Hajilou sheegay in Mareykanka iyo cadawga Iran aysan awood u lahayn in ay dalkooda ay dagaal kaga adkaadaan, isagoo carrabka ku adkeeyay in haatan uu Mareeykanka uusan lahayn awood milatari oo u ku weeraro Iran.

Talaabadan oo ay toodobaadkii hore ka dhiidhiyeen ciidamada Kacaanka Islaamka ee Iran, ayaa waxa uu abaanduulaha sheegay in waqooyiga dalka uu si adag isugu diyaariyay weerar kasta oo kaga yimaadda cadawga Iran.

"Mareykanka waxaa uu Iran kula dagaalamayaa warbaahinta oo uu adeegsanayaa in uu Iran cabsi geliyo"

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu soo saaray digniin ku socota Iiraan, isaga oo sheegay in haddii labada dal uu dagaal ka dhex qarxo ay burburin doonaan Iiraan.

"Hadii ay Iiraan doonayso in ay dagaallanto waxaa ay taasi rasmi ahaan noqon doontaa dhammaadka Iiran," waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu bartiisa Tweetarka soo dhigay Axaddii.

"Mar dambe uma gooddin dooonaan Mareykanka!"ayuu intaa ku daray

Balse qoraalkan uu soo saaray Mr Trump ayaa ah isbaddal cusub isaga oo dhawaan beeniyay suurtagalnimada dagaal dhexmara labada dhinac.

Maalmo ka hora ayay ahayd markii uu madaxwayne Trump sheegay in Mareykanku uusan doonayn in cadaadiska Iiraan uu isu baddalo dagaal.

Mar ay wariyayaasha Khamiistii waydiiyeen in Mareykanku doonayo in uu dagaal la galo Iiraan waxa uu ku jawaabay, Mr Trump: "waxaan rajaynayaa maya."

Baarayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale waxa ay bilowgii bishan Iiraan ku eedeeyeen ama kooxaha ay baritaarto inay walxaha qarxa u adeegsanayaan inay ku waxyeeleeyaan maraakiibta shidaalka qaadda ee ka baxaysa Isu-tagga Imaaraatka Carabta. Tahraan ayaa iska fogaysay eedahaasi.



16 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines