Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dablay Dad ku Dishay Deegaanka Buuhoodle Oo Qaar Laga Qabtay kuwo kalana Lagu Raad-joogo.

sawir
Mon 20 May 2019.

Waxgaradka iyo ciidamada degaanka Widhwidh ayaa ku hawlan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dabley hubaysan oo dad ku laayey tuulada Banyaal oo Buuhoodle dhinaca barri kaga quman 40Km.

Dableydan ayaa shalay laba nin ku diley duleedka tuuladaas, waxaana la sheegayaa in mid ka mid ah dableydan oo ahaa kii watey la hayo isaga iyo laba kale.

Dableyda weerarka qaaday ayaa doonayay inay qafaashan labo nin oo injineer kuwa isgaadhsiinta ah si ay ugu soo furtaan nin lagaga xidhay Hargeysa, balse waxaa difaacay laba nin oo illaalo u haan injineerada kuwaas oo ku dhintay difaaca injineerada.

"Odayaasha ay nimankaas isku haybta yihiin oo wata ciidamo ayaa ku raadjooga niman loo tiranoyo in ay yihiin kuwa iyagu gacantooda ku diley labada marxuun" ayuu yidhi Sekeriye isagoo intaas ku daray in xaalku haatan degan yahay oo uu ka khafiifsan yahay sidii uu shalay ahaa.

Si kastaba ha ahaatee mudooyinkii la soo dhaafay dhawr dil oo dad badan ah ayaa degaanadaasi iyo kuwa ku dhow ka dhacayey balse dhamaan waxaa looga heshiiyey si fudud waxase dhibi taagnaan doontaa hadii nimanka gacanta lahaa la soo qaban waayo.



10 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines