Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Ciidamada Sucuudiga Oo Hawada ku Burburisay Gantaal ay soo Tuureen Xuutiyiinta Yemen.

sawir
Mon 20 May 2019.

Ciidanka difaaca hawada Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta  oo Isniin ah hawada ku burburiyay laba gantaal oo ay kooxda Xuutiyiinta Yeman ku Tuureen magaalooyinka Dhaaif iyo Jeddah oo labaduba ka tirsan mandiqada Maka Almukaram.

Ilaa hadda wax tafaasiil ah lagama bixin  haddii ay jiraan wax khasaare oo nafeed ah oo ay geysteen gantaaladaasi ay ka hortaga sameeyeen Ciidanka difaaca hawada ee Sacuudigsa.

Kooxaha u dhaq –dhaqaaqa Nabadda ee Sacuudga ayaa bartooda Twitarka ku sheegay  in ujeedka labadaasi Saaruukh ay soo tureen Xuutiyiinta uu ahaa inay la beegsadaan magaalada Barakeysan ee Maka al-mukarama waxaana markii la soo ridayay gactaaladaasi lagu arkayay muqaal Vidiyow oo laga duubay qeybta waqooyi ee Gobolka Daif.

 



10 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines