Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Khasaaro ka Dhalatay Israsaasayn Ciidamada Booliiska Somaliland ku Dhex-martay Laascaanood.

sawir
Thu 16 May 2019.

Askari ayaa wararka hordhaca ahi sheegayaan in uu ku dhintay israsaasayn ka dhacday xarun ay degan yihiin ciidanka loo yaqaan RRU oo qayb ka ah Booliska bariga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Israsaasayntan ayaa wararku sheegayaan in ay u dhexaysey ciidanka dhexdooda, taas oo inta badan magaalada laga maqlayey, balse ay adag tahay sida warkeeda loo helo maadaama falkani uu ka dhacay xero ciidan dhexdeed.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Booliska, iyadoo ay dhacdadani kusoo beegmayso xili ay ciidamaduisku diyaarinayan xuska 18ka may oo lagu wado inay sabtida ka dhacdo magaalada Laascaanood.



37 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines