Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Amniga Masaajidada ku yaalla Dalka Maraykanka Oo Aad loo Adkeeyey.

sawir
Thu 16 May 2019.

Masaajidada ku yaalla dalka Maraykanka ayaa wali waxaa la soo darsaya cabsi uga imanaysa kooxaha xagjiriinta ah ee Islaamka neceb, kadib markii toddobaadkan masjid ku yaalla gobolka Connecticut dab la qabadsiiyay.

Masaajidada qaarkood ayaa sheegay in hanjabaado loo soo diray. Laakiin, ilaalada gaarka ah ee masaajidada iyo hay’addaha amniga maxaliga ah ayaa iska kaashanaya sugida amniga xilliyada habeenkii ee lagu tukanayo taraawiixda.

Dhinaca kale, maamulka masjidka Al-Salaam oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo dad taageersan ayaa ku hor dibad baxay hay’adda maamusha goobaha lagu nasto ee magaalada Minneapolis, kadib maamulka beeraha lagu nastaa uu masjidka u diiday dhul banaan oo maamulka masjidku doonayey inay noqoto meel dadka salaadda u imanayaa ay baabuurta dhigtaan.

Waxaa dibadbaxa wax ka abaabulay laanta gobolka Minnesota ee ha’yadda CAIR oo ah hay’ad u doodda xuquuqda dadka Muslimiinta ah.



18 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines