Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Uganda Airlines Oo Billaabaysa Duulimaad Toos ah Ee Kampala Iyo Caasimadda Muqdisho.

sawir
Thu 16 May 2019.

 Shirkadda diyaaradaha ee dalka Uganda ayaa markii u horreysay shaacisay inay dhowaan billaabayso duullimaad toos ah oo ay ku tagayso magaalada caasimadda ee Muqdisho.

Duulimaadka Uganda Airlines ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah duulimaadyo toos ah oo isku xiraya magaalooyinka ku yaalla bariga Afrika ee ee Kampala, Nairobi, Mombasa, Muqdisho, Jubba, Bujumbura, Dar-es-Salaam iyo Zanzibar oo ay dhawaan shirkaddu duulimaad ka billaabayso,sida laga soo xigtay bayaan ay mas'uuliyiinta shirkadda Uganda Airlines soo dhigeen baraha bulshada.

Uganda Airlines ayaa dhowaan dib u habeyn lagu sameeyay, taas oo ay hadda ku dooneyso inay mar kale dib usoo ceshato doorkeedii duulimaad ee waddamada gobolka.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa muddooyinkii dambe ku loolamayay duullimaadyada ay  tagayaan Muqdisho.Horay waxaa duulimaadyada noocan ah u billaabay shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay Itoobiya iyo Kenya.



14 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines