Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Taliska Booliska Somaliya Oo Xabsiga Dhigay Dad lLagu Tuhmay Bixinta Imtixaankii Shahaadiga Ee Dugsiyada Sare

sawir
Wed 15 May 2019.

Booliska Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee Arbacada maanta shaaca ka qaadday in la xiray mid kamid ah shaqaalaha wasaarada Waxbarashada dowladda federalka kaasoo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay bixitaankii imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka oo dhowaan dib loo dhigay.

Qofka lagu tuhmayo inuu bixiyay imtixaanka ayaa magaciisa lagu sheegay Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29 sanno jir ah ayaa la sheegay in sharciga la horkeeni doono. Hase yeeshee wax faahfaahin ah lagama bixin  qeybta uu  ka shaqeynayay shaqsigan loo haysto bixinta imtixaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed, oo warbaahinta xogtan usoo bandhigay ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliska ay baaritaano ku wadaan dad kale oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin fashilkii ku yimid imtixaanka.

Booliska hadalka ka soo baxay ayaa ku soo aadday kaddib markii wasaarada Waxbarashada dowlada federalka ay dhowaan ku dhowaqday inay baabi’isay imtixaankii dugsiyada sare kadib markii la xaday,iyadoo wasaaradu ay sheegtay in dhamaadka bishan la qaadi doono imtixaan ku celis ah.



10 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines