Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Roob khasaare Gaystay Oo ka Da’ay Magaaladda Boorama.

sawir
Tue 14 May 2019.

Roob mahiigaan ah ku dhawaad laba saacadood ka da'ay magaalada Boorama ayaa gaysatay qasaare u badan mood, sida uu shabakada Awdalmedia u xaqiijiyay Xoghayaha Dowlada Hoose ee Booama.

Xoghaye Xasan  Yuusuf Riiraash oo faahfaafinaya qasaaraha ka dhashay roobkan ayaa yidhi " Alxamdu lilaah ma dhicin wax khasaaro nafeed ah balse waxaa jira khasaaro maaliyadeed waxaanu aragnay xaafadu u baan dhinaca Xaaslayda oo uu waxyeeleeyay sidoo kale waxuu dumiyay dugsiga hoose dhexe ee Waabari qaybo ka mid ah, halka baqaarka soomer ee qalabka dhismaha uu danab qabsaday hantidii taalay oo u badnayd sibidhna uu burburiyay"

Xoghaye Xasan ayaa waxa intan ku daray in wali tirakoobku uu socdo, islamarkaana ay jirto khasaaro soo gaadhay shirkadaha korontada Borama, waxaana uu ugu baaqay dadka inay ka fogaadaan meelaha miyo mareenka ah.

 



50 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines