Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxwayne Cagjar Oo Gaaray Deegaano Dhawaan Ciidamadiisu Dad ku Xasuuqeen Ee Degmada Awbarre.

sawir
Tue 14 May 2019.

Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Xerogeel oo ka tirsan degmada Awbarre, halkaas oo uu kula kulmay shacabka qaybihiisa kala duwan.

Madaxwaynaha ayaa shacabka Xerogeel kala hadlay arrintii dilka ahayd ee dhawaan ka dhacday tuulada Xajiin wuxuuna uga tacsiyadeeyay dilkaas shacabkii tuulada Xajiin ee dhibku soo gaadhay.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeeshay odayaal dhaqameedka degaankaas wuxuuna kala hadlay arrintaas shaqaaqada ahayd ee dadka lagu laayay. wuxuuna sidoo kale ku booriyay inay marwalba ilaashadaan Nabadgalyada, kana fogaadaan wixii Nabadgalyo darri keenaya.

Dhawaan ayaa tuulada Xijiin oo ka tirsan degmada Awbarre waxaa ka dhacday shaqaaqo ay ku dhinteen dad shacab ah, taas oo ay ka dhiidhiyeen shacabka degmada Awbarre.



21 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines