Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Booliska Hargeysa Oo Xabsiga Dhigey Nin ku Labistey Dhar leh Midabka Calanka Soomaaliya,

sawir
Tue 14 May 2019.

Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku xidhay wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar laga tolay dharka Buluuga ah ee Calanka Soomaaliya.

Ninka la xirey oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Cali “Aar” ayaa xirnaa Surwaal iyo Jaakad leh midabka Calanka Buluuga ah ee Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jirto cid u hadashay ciidamada Booliska oo ka warbixisay dambiga uu galay wiilkan.

Maamulka Somaliland ayaa toddobaadkii hore waxa ay xabsiga u taxaabeen mudane ka tirsan baarlamaanka Somaliland kadib markii uu ku tilmaamay in maalinta 18May ay tahay maalin u gaar ah beel ka mid ah beelaha dega Waqooyiga Soomaaliya.



25 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines