Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Booliiska Somaliland Oo Dhaawacay Wariyaha Bulsho Tv Ee Laascaanood, Xabsiga-na Dhigay

sawir
Mon 13 May 2019.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa caawa fiidkii xidhay wariye Cabdi Keyse Tungub oo gobolka Sool uga wakiil ahaa TVga Bulsho.

C/raxmaan Cali Ducaale oo ah wakiilka ururka SOLJA ee gobolka Sool ayaa sheegay in Weriye Cabdi Keyse dhaawac soo gaadhey markii ciidamadu qabanayeen "ma arag oo waa lay diidey in aan arko balse waxa laysheegay in lugta dhaawac kaga yaalo ay sababtay xabad lagu ridey markii la qabanayey"

Xadhiga weriyahan oo aan isku daynay inaan wax ka weydiino masuuliyiinta gobolka waa noo suuroobi weydey.

Weriyahan ayaa markii labaad ah oo la xidho sanadkan iyadoo bishii Febrayo la xidhiy maalin kadibna wadahadal bahda saxaafadu ka shaqaysay lagu sii daayey.



31 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines