Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Eedaanka Masaajid Caan ka ah Koonfur Afrika Oo Cabasho Laga Gudbiyay.

sawir
Mon 13 May 2019.

Masaajid caan ah oo ku yaalla magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa laga soo gudbiyay cabasho ku aadan aadaanka, cabashadaas ayaana laga soo gudbiyay intii ay billaabatay bisha barakaysan ee Ramadaan.

The City of Cape Town ayaa Twitterka ku soo qoray in qof 100 jir ah uu ka soo cabtay masaajidka ku yaalla Muir Street oo ka tirsan degmada lixaad, isla markaasna looga fadhiyo in ay baaritaan samayso.

Si kastaba ha ahaatee waxay sheegtay in ay baaritaankaas samayn doonto Ramadaanka ka dib, isla markaasna aysan istaajin doonin aadaanka salaadda.

Masuuliyiinta masaajidka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay xiriir la soo sameeyeen masuuliyiinta magaalada iyaga oo kala hadlay “hal dacwo” oo laga gudbiyay ayna arrintaas wax ka dhihi doonaan Ramadan-ka ka dib.

Masaajidka ayaa muddo badan soo jiray, wuxuuna la kawsaday dadkii Hindida ahaa ee dagay degmada lixaad 1800, sida lagusheegay barta masaajiska.

Aagaas ayaa 1960-yadii loo qoondeeyay dadka cad, qawmiyadihii iyo dadyowgii midabbada kale lahaa ayaana laga raray.

Si kastaba ha ahaatee goobihii cibaadada ayaa faraha laga qaaday, masaajidka ayaana sii waynaaday tobannaan sano iyadoo hanti kale oo ma guurto ah loo sameeyay, taas oo ay ka mid tahay madariso.



14 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines