Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Madaxwaynihii Hore Ee Suudaan Cumar Al Bashiir Oo Dacwad Lagu soo Oogay.

sawir
Mon 13 May 2019.

Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad, iyadoo lagu eedeynayo  inuu geystay kicin dadweyne iyo inuu ku lug lahaa dil loo geystay dibadbaxyaal.

Bayaan kasoo baxay dacwad oogaha guud ee waddankaas ayaa sheegay in dhamaan dacwadaha lagu soo ooday Al-bashiir loo hayo cadeymo buuxa.

Ilaa hadda lama hayo wax war ah oo ku saabsan xaaladda Al Bashiir tan iyo markii xukunka laga qaaday 11-kii bishii April ee sanadkan.

Horraantii bishan, waxaa Al Bashiir lagu amray inuu kasoo hor muuqdo xafiiska dacwad oogaha dalkaas si wax looga weyddiyo eedeymo musuq maasuq iyo maalgelinta ururo argagixiso.



18 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines