Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Toogasho Ka Dhacday Hotel Uu Leeyahay Madaxweyne Trump.

sawir
Mon 13 May 2019.

Ugu yaraan 3 qof ayaa lagu toogtay meel ka baxsan Xeebta loo nasasho tago ee Madaxweyne Trump oo ku taalla magaalada Miyaami ee Gobalka Florida ee dalka Maraykanka.
 
Booliska Miyaami ayaa sheegay inuu ugu yaraan hal qof lagu dilay toogashadaasi, kadib markii uu muran dhex maray dhallinyaro ku sugnaa meel ka soo horjeeda Hotelka Donald Trump ee the Trump International Beach Resort oo ku yaalla magaalladdaasi.

Haweeney 19-jir ah oo lagu dhawaacay toogashadaasi ayaa la sheegay in loola cararay Isbitaalka Adventura, mana kala cadda xaalladeeda.

Goobjooge ayaa sheegay inuu dagaalku u dhexeeyey labo kooxood oo ka tirsan kuwa qaada heesaha Raabka, isla markaana uu mid ka mid ah ku dhex geeriyooday gaarigii uu watay.

Booliska magaalaada Miyaami waxay kaloo sheegeen inay ku raad-joogaan 3 Eedeysane oo ku hubeysnaa Qoriga AK 47 iyo dhowr Bistooladood.

 



18 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines