Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Saamynta Habka Federaalka ee Ethiopia iyo Somalia | Mohamoud Aden Samatar

sawir
Mon 29 April 2019.

  Habka Federaalku waa xalin ismaandhaaf/Khaliaaf  ama Conflict resolution afka qalaad.

waana hab ka mida sadexda hab dawladeed ee ay dawladaha addunku isku maamulaan.

 

  1. Hab boqrtooyo
  2. Hab dawlad dhexe oo awood leh/keli talis, demoqraadi
  3.  Hab Fedreraal,

 

    Wadamada isku maamula ama qaatay habka federaal waxa ay u badan yihiin wadamada

ay ku wada nool yihiin qawmiyada kala kadisan , oo samaystay maamul gaara/self rule

si u u yaraado ismaandhaafku ama khilaa iyo maamul dhexe oo federaal ah oo awood qaybsi,

waxa ka mida, USA ,  Canada, Nigeria, Belgium, Brazil, India, Australia, Mexico, Nigeria, 

ku dhawaad 25-28 wadan ayaa ku dhaqma habka Federaalka aduunka..  

 

   Hadaan eegno Federaalka Marayknka  waa federaal/isutag dadyawgii soo

dagay USA/Colonies ay samaysteen. Federaalka ka hor waxa ay ahaayeen Confederate, gobolo dano guud ka dhaxaysay,  isgaashaanbuursi haddii ay cabsi kaga timaad dibadda.

Awooda waxa lahaa gobolada oo may jirin dawlad dhexe oo awood lihi.

 

   Sep 17, 1787, 70 sano iyo dagaal sokeeye/civil war  kadib ayay goboladii isku hayay confederateka iyo Federaalku ay idku raaceen in ay qataan hab federaal ah , oo ah dawlad dhexe oo ku salaysan awood qaybsi, iyo is maamul gooni ah/self rule , oo ay samaysteen Goboladii , iyada  oo uu datuurkii Fedraalku dusha ka saaraan yahay.

 

sondonkii sano ee u dambeeyey wixi ka dambeeyay burburkii Soviet Unionka, Yogsalavia

ama dhamaadkii dagaalkii qaboobaa kadib adduunka maamulo

kali taliya  yaal ahaa , ayaa xukunkuu laga tuuray, Sida Taliskii Siyaad Barre ee Somalia

iyo Mangistu Hala mariyaamkii Ethiopia-ba. 

 

Haddii aynaan meel fogba gaadhin , haddan eegno sida uu habka Fedraalku 

u saameeyay Somalia iyo Ethiopia.

 

   Ethiopia  oo ka kooban qawmiyado kala duwan sida Amxaarada, Benishungulka, Canfarta,

Guraagada, Hararida, Oromada, Somalida iyo Tigreega, 

 

     100 sano iyo in ka badan ayay qawmiyada Axmaaradu maamulaysay EThiopia , 

Boqor tooyadii Menilik, Haile silase ilaa Mangistu .

Dugsiyada waxa wax lagu baran jiray af amxaari, dawlada iyo dhamaan laamaha

dawladu waxa ay ku shaqaynayeen Af amxaari, 

taas oo ah qof aan Af amxaariga aqoon in aanu shaqo dawladeed 

qaban karin.

 

     Bur burkii taliskii Mangistu  waxa talada la wareegay TPLF/Tigray Peopl's libration Front , oo ka mid ahayd dhaqdhaqaaq yadii qawmiyadaha kala duwn ee ka socday Ethiopia, sida

EDU/Ethiopian democratic union/Axmaaro,  EPLF/Eritrean peopl's libration front , ELF/Eritrean Liberation Front,  OLF/Oromo Liberation Front iyo, WSLF/Western Somali Libertation Front  .

 

       Markii ay ay TPLF la wareegtay tala waxa ay qaadatay habka federaalka, ooku salaysan qawmiyadaha/Ethnic based Federalism. Federaalkan ku salaysan qawmiyadaha waxa uu

awood siiyay qawmiyadihii , taas oo keentay in ay samaysmaan Ismaamulka Somlida, Oromada, Axmaarada, Canfarta iyo Tigreeega,

 

      Nasiib daro maamulkii TPLF ee talada la wareegay, waxa uu noqday  qawmiyad 

xukunkii ama taladii la  wareegtay.   Halkii ay cadaalad iyo sinaanansho qawmiyadeed ka keeni lahaayeen, waxa samaysteen ismaamulo qawmiyadeed iyaka xoos taga . sida ismaamilka Somalida, Oromada, Axmaarada iyo Canfarta IWM. 

 

     Hadaan eegno ismaamulkii Somalida wax ay dhigteen Cabdi Ilay oo iyaka

ka amar qaadanayey sidu doonana Somalida ugalayay ama u laynayay , taas oo aanay

TPLF kula xisaabtamim jirin, marhadii aanu dantooda ka hor iman.

   

    Dhaqdhaqaaqa qawmiyadaha ka sokow waxa jiray halgankii EPRP/Ethiopian People's Revolutionary Party ,ku salaysnaa  mab da' ama Ideology,  ahaana  hantiwadaag dhab ahoon ahayn,  kii Mangistu ama Siyaad Barre/Hantiwadaagii kali taliyada. Halganka  oo ay hormood ka ahaayeen Ardayda Dugsiyada hoose ilaa macalimiinta jaamacadaha. EPRP waxa la odhan karaa waxa uu ahaa halgan Ethiopia oo dhan ah, ha ahaato shaqaale, Araday ,beeralay,  Macalimiin, ciidan, hogaamiyaal ciidan oo ka soo jeeda qawmiyad kasta oo ay midaysay mab da'/ideology. 

 

  Markii uu socday halganka EPRP , Mangistu waxa uu lahaa guul wadayaal kacaan, sidii

kuwii Siyaad Barre oo kale, waxa ay ugaadhsan jireen xubnaha EPRP ee lahaa xubin kasta

oo ka mida shacabka, waxa ugu daadan jireen guryaha iyo meel kasta oo ay ku arkaan, xabsiyada ayay inta  ku jidh dilaan ku lay jireen, iyaga oo ula dhaqmaya si waxshnimo ah, barbaric torture. Waxa ay togan jireen maaliN cad markaas ayaa maydkooda la dhigi jiray laamiyada oo ay ka biqi jireen waalidka iyo eheladu in ay aastaan maydka.  

 

  Hadaan soo qaadano waxa ka mid ahaa halgamayaashii Somali Galbeed ee EPRP, Dr Ismaaciil Qodax oo ahaa hogaamiya dhalinyarada ee Diri Dhasbe , Dr Cabdul Majiid AHUN, Eng. Cali Ibraahim AHUN oo ahaa hogaamiyaha Shaqaalha Dire-dhabe oo ay guulwadayaashii Mangistu nolol ku gubeen,  iyo Maxamad Baaniyaal oo ahaa hogaan kii golaha dhexe  ee EPRP ee Diri Dhabe.

 

 

   Runtii taladii  ay la wareegtay TPLF waxa la odhan karaa, waxa uu ahaa tala ay afduubtay

oo ay marin habaabisay. Maxa yeelay EPRP oo qayb libaax ka qadaatay xukun ka tuurkii 

Mangistu kalamay tashan habkii loo maamuli lahaa dalka , haday ahaan lahayd hab federaal ama hab kaleba. 

 

      Takale hadii ay talo ku yeelan lahayd EPRP talada dalka ma dacdeen in qamiyadi la wareegto talda dalka/Ethiopia maxa yeel gaaraadka siyaasadeed/political consciousness

ee EPRP aad ayuu u sareeyay , oo dhalintii halgamaysay iyaga oo Somali ah, Oromo ah, Axmaara, Canfar ah, Harari ah ,  Tigree ah oo Eritreanyaan ayay isku ag dhimanayeen oo si

iskumida loo cadaabayay, iyadoon loo kale eegin qawmiyad.   

 

      Talo maroorsigii ay samaysay TPLF waxa uu niyad jab wayn ku riday dhamaan halgamayaashii EPRP ee naftooda u huray in Mangistu talada ka tuuraan si ay cadaalad umadda Ethiopia u hesho.   Inkasto oo Meles ka mid ahaa ardaydii hormoodka ka ahayd halgankii EPRP, saldhiga EPRP-na  uu ahaa ama ku yaalay, buur simba la yidhaa oo Tigraay ku taal , hadana waxa la odhan karaa Meles wuu kaga baxay  EPRP halgankii  ay soo wada galeen ee ay naftooda u hureen. 

 

     Imika Ethiopia waxa talada la wareegay Dr Abiy Ahmed , Dr Abiy waxa uu hormood u noqday isbadalka siyaasadeed ka bilawday Geeska,waxa uu Ethiopia ka hirgaliyay hab Dimoqraadi ah. Waxa uu jeelasha ka sii daayay dad badan , oo u xidhnaa siyaasad, oo nooc walba leh. 

 

     Waxa uu isku soo dhaweeyay Ethiopia iyo Eritrea oo 20 sano ka hor dagaal lagu hoobtay dhexmaray, keentayna in adduunku cunoqabateeyo Eritrea iyada kolba wax lagu edaynayay

mar la yidhaa Al-shabaa ayay tageertaa iyo mar la yidhaa mucaaradka Ethiopia ayay taageertaa.   

 

     Isbadalka uu keenay Dr Abiy Ahmed Geeska  waa dimoqraadiyayn , iyo xoojinta xuquuqda

muwaadiniinta Geeska, inkasta oo uu mucaarad kala kulmayo mucaaradad siyaasiinta Axmaaro iyo Tigreba.Hadana waxa la odhan karaa in mustaqbalka Ethiopia uu hagaagayo.

Habkan Federaalka ah ee ku salaysan qawmiyaduhuna uu hirgalo, maxaa yeelay

waa habka qudha ee isku hayn kara Ethiopia , coolaadihii iyo nacaybkiina qawmiyaduhuna 

uu yaraado. 

 

 

          Haddan u soo noqon Federaalka ay qaadaday Somalia waxa uu ku salaysan 

yahay hab beeleed, oo dawlad goboleeyadan la sheegayaa waa dawlad beeleedyo indhaha lagaga ridayo shacabka., maxaa yeelay maamul walba waxa uu u xidhan yahay beel ama laba beelood. 

 

        Somalia waxa ay ka mid tahay dawlidihii burburay dagaalkii qaboobaa ka dib.

Burburka Somaliyana waxa keenay markii ay dawladii Siyaad Barre isu badshay dawlad  

beeleed, cabudhin  iyo kali talisnimo, taladii dalku u gacan gashay  koox ama beel qudha, 

 Arintani waxa ay keentay in beelo gaar ah la bar timaasado lana gumaado , iyada oon caruur, waayeel iyo maati midna loo eegayn.

 

    Hadaba 1991  markii Siyaad Barre  la riday waxa yimid ama   dhacday

 in meelo ka mida Somalia ay ka  dhaco aargoosi dad maati ah lagu xasuuqay,. taas oo keentay in ay beelihii somaliyeed kala aamin baxaan, taas oo keentay in ay Somalia ka abuurmaan ama

samaysmaan hogaamiye kooxdyo ku salaysan beelo iyo jilibyo kala duwan.

 

   Hadaba si la isugu soo dhaweeyo beelihii Somalia ee kala aamin baxay, waa tii 2000 dawladii

Carta  ee uu Salaad C/qaasim madawaynaha  ahaa lagu dhisay jabuuti taas awood qaybsiga lagu saleeyay 4.5/4ta beeleed iyo badhka. Arintani waxa ay sii xoojisay Qabyaaladii iyo tartan ay galaan beelihii horeba u kala aamin baxay. Taas oo la odhan karo 4.5 waxa uu noqday wrong prescription/ ama dawa khalda oo loo qoray xanuukii qabyaaladda iyo isaamin la aanta ka dhexasay beelaha Somaliyeed.

 

     Mar kale 2003-2004  eldorate/imghati waa tii beesha caalmku isgu yeedhay Hogaamiye Kooxdyadii , si loo dhiso dawlad ay ku midoobeen, MWna looga dhigay  C/Yusuf oo ay Ethiopia  Habaka Federaalka u soo dhiibtay , si wadanka gacanta ugu galiso, isagana dan ugu jirtay  uu ku badbaadinayo Puntland. 

 

    Waa tii markaa imbagaati lagaga dhawaaqay Dawladda Federaalka ee Somalia , ee ku meel gaadhka ahayd. si buuxdana u aqoonsan in Puntland tahay Dawlad Goboleed xubin ka ah DFS  iyo aqoonsiga xuduudaheeda oo ku salaysan isirka, sida ka Gaalkacayo, oo noqotay ama yeelatay khad caagran oo kala qaybiya Beesha PL iyo beesha GM. 

 

     Arintan oo mugdi galinaysa jirtaanka Galmudug , maxa yeelay Galmudug ma aha laba gobol, ee waa gobol iyo badh, dastuurka DFS waxa uu dhigayaa in dawlad goboleed uu noqon karo laba gobol iyo ka badan.     

    

    Sidoo kale Puntland  waxa ay sheegatay Sool iyo Saang oo ka tirsan Somaliland oo markaa jirtay 7 sanadood markii la asaasay Puntland , taas oo ah in Sool iyo Sanaag laftooda laga jeexo khad cagaaraan, sida ka Gaalkacayo, madaama ay labada gobol wada dagaan beelaha ay sheegatay Puntland  iyo beelo kale oon ka mid ahayn kuwa ay sheegatay Puntland..

 

       Somalia waxa ay u taqaan Puntland hormood federaalka Somalia ama hooyada

federaalka Somalia, taas fududaynaysa in la sameeyo, dawlad beeleedyo ay xuduudoodu

ku salaysan tahay ISIR , sida hooyada Federaalka ee Somalia/Puntland. 

 

       Federaalkan ay Somalia qaadatay ee ku salaysan dawlad beeledyada , ayaa ah isna

wrong prescription/dawo khalad oo loo qoray xanuukii dawaynaya kala fogaanshaha

beelaha Somaliyeed, maxa yeelay beelaha Somaliyeed waa reer guuraa oo ma leh xuduud,

waa dad kolba u guura meeshii baad iyo roob leh. Marka habka federaalka oo ah Conflict resolution/, ama haba isu tag oo isku soo dhawaynaya umada kala aamin baxady oo doonaysaa in dib u midoobaan, federaal ku salaysan dawlad beeleedyo iyo xuduud isireed

iskuma soo dhawnayo Somalia, waana ta keentay in Somalia ka dagi wayday 30 sanood  4.5 iyo Dawlad beeledyo/Dawlad Goboleedyo 

 

Markaa waa in Somalia  si dhab ah u dhistaa Dawlad beeledyo ama  loo habeeyaa dawlad beeled yada jira hadda, sida Puntland/Majeertenia, Juba land/Ogaden, Galmudug/Habar-gidir , Konnfur labeed/Digil iyo Mirifle iyo Hirshabeele/Xawaadle, Muruur sade,  oo awood qaybsi beeleed oo cadaalad ku dhisan la sameeyaa,  maxaa yeelay dawlad beeleedyada  hada jira wax cadaalad ahi kama jirto oo beelo gaar ah ayaa iska haysta dhamaantood, oo haday doonaan barakiciya beelo kale sida Jubaland oo kale. 

 

   Ama waa in ay Somalia ka guurta habkan Federaalka ah ee ku salaysan BEELAHA, 

oo  ay qadaata hab federaal ah oo ku salysan Gobolo, Goboladii hore. Sida Federaalka USA Qawmiyad qudha/Cadaan isku af iyo diin., maxaa yeelay USA majiraan beelo ama qawmiyado isku haya xad, biyo ama daaq. Hadaan gobolka California ka guuro oon gobolka  Texas dego, la ima waydiinayo ama la ima odhanayo waxa aad tahay  beel heblaayo/Californai oo ma tihid beesha Texas.

 

  Mohamoud Aden Samatar

samatarapt@gmail.com



96 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines