Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dimuqraadiga Oo Talaabo Sharci Ugu Hanjabay Trump Oo Diiday Xisaab Celinta Canshuuraha.

sawir
Thu 25 April 2019.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa dalbanaya in tallaabo sharci ah laga qaado Madaxwayne Trump, kadib ,markii uu  diiday inuu aqbalo waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay in canshuur celinta uu u gudbiyo aqalka wakiillada ee Koongareeska.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale kasoo horjeestay in canshuur celinta madaxweyne Trump loo gudbiyo Koongareeska.

Hogan Gidley oo kamid ah kooxda warfaafinta Aqalka Cad ayaa warbaahinta Fox News  u sheegtay inuu cadyahay Hadalka madaxweynaha islamarkaana uu ka fikiri doono waxa uu yeeli doono marka xisaabaha la xiro.

Madaxa guddiga Aqalka Cad, Richard Neal ayaa sheegay inuu madaxwayne Trump ku guul daraystay inuu xareeyo canshuur celinta oo horay loogu qabtay 23-kii bishan Abriil, balse arintaasi loo fasiran karo diidmo.

Mr Trump ayaa sheegay inuusan doonaynin in akhbaartiisa la shaaciyo, sidaas awgeedna uusan celin doonin canshuurahaas.

Xisbiga dimuqraadiga ayaa ka digay diidmada Trumo,waxayna ku hanjabeen in arrinkan tallaabo sharci ah laga qaadi doono, iyadoo waaxda u xilsaaran dakhliga dalka ay horay u sheegeen inay soo saari doonto xisaabaha Trump.

Xilliga kama dambeysta ah ee loo qabtay ayaa ahaa 23-kii bishan Abriil, balse maamulka Trump ayaan weli arrinkan u hoggaansamin.

Madaxweynayaashii horay Mareykanka usoo maray ayaa tan iyo 1970 waxa ay celin jireen canshuuraha dalka.

Xog-hayaha waaxda maaliyadda Steven Mnuchin ayaa sheegay inay baareyso arrinkan, islamarkaana ay kala tashan doonto waaxda caddaaladda, isagoo xusay in ay go'aan kama dambays ah soo saari doonan 6-da bisha May.

 



14 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines