Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Dibad-baxyo loo Balansanaa Maanta Oo Gilgilay Caasimada Khartoum Ee Dalka Suudaan.

sawir
Thu 25 April 2019.

Dibad-baxayaasha Sudan ayaa billaabay in ay ka dhabeeyaan fulinta ballan qaadkoodii ahaa in ay Khamiista maanta ah sameynayaan bannaanbax ay ka qeyb-gali doonaan "Hal Milyan oo qof.''

Bannaanbaxa halka milyan oo qof, ayay ku rabaan in ay ku cadaadiyaan golaha milatariga ee hadda awoodda waddanka haya in ay talada ku wareejiyaan dowlad madani ah, kaddib afganbigi xakunka looga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Cumar Al-Bashir.

Golaha Milatariga ee Sudan ayaa maanta sheegay in saddex xubin oo iyaga ka mid ah ay is-casileen kaddib wadahadallo xalay saqdi dhexe ay yeesheen Milatariga iyo madaxa hogaamineysa kacdoonka shacabka.

Millatariga ayaa sheegay in ay aqbaleen inta badan dalabka hogaanka kacdoonka, isla markaana la sameeyay guddi ka kooban xubno ka tirsan Golaha Sare ee millatariga iyo hogaamiyaasha Kacdoonka Shacabka.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana lagu wadaa in bannaanbaxa halka milyan uu ka dhaco magaalada Khartoum ee caasimadda Sudan.

Dibaxyada Sudan ee sababay in milatariga uu afgambiyo dowladdii Jeneral Al Bashir, ayaa soo billowday 19-ki bishii December, kaddib markii ay dadka ka cawdeen sicir barar dhanka nolosha ah.

 



15 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines