Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Afhayeenka W/Arimaha Gudaha Somaliland Oo Xabsiga loo Dhigay Qoraal Adag Oo Uu Dhigay Facebooka.(Akhriso)

sawir
Thu 25 April 2019.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Afhayeenkii Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Jamaal Mahdi .

Afhayeenka la xidhay ayaa lagu eedeyey in uu bartiisa Facebook ku soo qoray eedeymo uu u jeediyey ciidanka Booliska Somaliland iyo madaxda dalka .

Afhayeenka la xidhay oo warbaahinta khadka taleefoonka kula xidhiidhay ayaa yidhi

“Wasiirka arimaha gudaha ayaa aniga oo jooga xafiiskayga iiso diray agaasimaha guud kaas oo ku soo amray inuu xafiiska layga saaro furahana layga wareejiyo

Markaan furihii ku wareejiyo agaasimaha waxa markiiba anigoo hortaagan xafiiskayga iqabtay taliyaha tubataariyada iyo ciidan uu wato.

Waxa lay geeyay CID-da waxaanay ii sheegeen in laygu haysto qoraal Facebook kayga ku qoran

Hore wasiirku isga oo aan warqad iiso qorin ina ogaysiin waxa uu xafiiska keenay wiil uu isagu keensaday. Tani waxay daba socotaa siduu wasiirku xafiiska iiga saari lahaa xadhigana isagaa ka danbeeyay" ayuu yidhi Afhayeen Jamaal

Afhayeenka oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi,"Waxa laydiiday in ay qoyskaygu i arkaan waxaana laygu xidhay qol gaar ah.”

Halkan Hoose Ka Akhriso Qolaadii Uu Facebook-giisa Dhigay



48 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines