Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Ciidamada Nabad sugida Oo Gacanta ku Dhigay Xubin ka Tirsan Amniyaadka Al Shabaab.

sawir
Thu 25 April 2019.

Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya NISA ayaa sheegtay Ciidamada ammaanka inay gacanta ku soo dhigeen xubin ka tirsanaa amniyaadka Ururka Al Shabaab, Kadib markii hawlgal qorsheysan ay Ciidamada ammaanku ka fuliyeen deegaanka Ceelasha biyaha.

Qoraal la soo dhigay Bogga Twitterka ee Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa sidaasi lagu sheegay.

“Howlgal aan cidi wax ku noqon oo ciidanka amnigu ka fuliyay Ceelasha Biyaha ayaa waxaa lagu soo qabtay howlwadeen Amniyaatka Alshabaab ka tirsan. Saraakiisha amniga ayaa ku haya baaritaan la xariira howlaha gurracan ee uu ku jiray.” ayaa lagu yiri qoraalka NISA ee la soo galiyay barta Twitter-ka.

NISA ayaa habeen hore sheegtay xubin ka tirsanaa amniyaadka Shabaab in laga soo qabtay Degmada Shibis, kadib hawlgal Ciidamada ammaanka ay sameeyeen.

Muddooyinkii dambe Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegaysay in la soo qabtay shaqsiyaad Shabaab ka tirsan oo Ciidamada ammaanka ay hawlgal ku soo qabteen.



23 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines