Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Hoggaamiyaasha Diimaha Oo ku Baaqay In Laga Midooobo Weeraradii ka Dhacay Sri Lanka.

sawir
Thu 25 April 2019.

Kulan ay soo abaabuleen hoggaamiyaasha diimaha ayaa looga hadlay sidii loo heli lahaa midnimo guud iyo xasilooni lagu soo dabbaalo dalka Sri Lanka, kaasoo ay ka dhaceen qarxyo waaweyn oo galaaftay nolasha boqolaal dad ah ayaa jiray

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen safiirro ka kala socda  dlalka muslimka ah,hoggaamiyaasha diimaha dalka Sri Lanka iyo hoggaamiyaha Kaniisadda  Katooligga,mwaxaa  lagu  baaqay in la muujiyo deganaan,isla markaana lala yimaado iscafin iyo wax wada qabsi.

Boqolaal muslimiin ah ayaa ka cararay deegaanka  Negombo on dhaca xeebaha galbeed ee dalkaasi,halkaasi oo qaar ka mid ah weerarada aargoosiga ah ay ka dhaceen .

Maalinimadii Axadda ee la soo dhaafay waxaa qaraxyo argagixiso ah lala beegsaday Hoteello iyo Kaniisado ku yaalla dalka Sri Lanka, waxaana ku dhintay in ka badan 3-boqol oo ruux.

Dowladda ayaa qiratay in ay ka gaabiyeen howshii loo idmaday,waxaana Madaxweynaha dalkaasi uu soo saaray waregto uu ku dalbanaayo in ay iscasilaan  taliyaasha ciidamada



18 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines