Media
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

Saraakiil ka Tirsan Militariga Sudan Oo Lagu Qasbay Inay Xilalka Iska Casilaan.

sawir
Thu 25 April 2019.

Waxaa ku dhawaaqay inay is casileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Xubnaha ugu sareeya millateriga dalka Sudan ee haya  talada dalkaas,waxaana ay sabab u aheyd cabasho ka imaaneysay dadka dibadbaxa dhigayey.

Sadex kamid ah golaha Milatariga dalka Sudan ee talada la wareegay ayaa lagu qasbay in ay is casilaan, waxaana xubnahan hada is casilay la sheegay in ay aad ugu dhawaayeen Madaxweynaha xilka laga tuuray ee Al Bashiir.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa jiray kulan gaar ah oo u socday golaha sare ee militariga iyo hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa dhigaya,waxaana dibadbaxayaasha ay dalbanayeen in dowlad rayid ah xukunka lagu wareejiyo.

Afahayeenka Militariga Suudaan, Janaraal Shamsuddiin Kabbashi ayaa oo Warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in labada dhinac ee hoggaamiyeyaasha dibadabaxayaasha iyo Golayaasha Millateriga ay isku raaceen in dowlad rayid ah xukunka lagu wareejiyo.



14 Views


Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.




Awdal Media Latest News Headlines